Somaliland247's Blog

March 13, 2011

Dawlada Denmark Oo Sheegtay Inay Toos Ula Shaqayn Doonto Ciidamadda Ilaalada Xeebaha Somaliland


Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Dawlada Denmark Oo Sheegtay Inay Toos Ula Shaqayn Doonto Ciidamadda Ilaalada Xeebaha Somaliland

Nairobi – Dawlada Denmark ayaa sheegtay inay kor u qaadayso iskaashiga horumarinta ee ay la leedahay Somaliland, waxaanay balan qaadeen inay toos ula shaqayn doonaan ciidanka ilaalada xeebaha oo ka taageeri doonaan sidii loo xakamayn lahaa budhcad badeeda ka jirta xeebta gacanka cadmeed oo ay aafayso budhcad badeeda Soomaalidu.

Sidaasi waxa dawlada Denmark ka sheegtay kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen Wefti ka socday dalkaasi iyo wefti uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Somaliland ku leedahay magaalada Nairobi oo u dhignaa sidan:-

Waxaana“Wefti heerkoodu sareeyo oo ka socda dawlada Denmark oo maalmihii la soo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Kenya, oo ay ugu kuur galayaan, daraasadna ka diyaarinayaan sidii ay macluumaad iyo xog buuxda uga heli lahaayeen dalalka Africa ee ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo amniga.

Waftigan oo ka kooban toban Xubnood, waxa hoggaaminaya Ku Xigeenka u qaybsanaha Horumarinta ee Afrika ee dawlada Denmark Mr. Avders Fribolo ayaa maanta xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya kulan kula yeeshay wefti ka socday Somaliland oo kala ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Ca/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Md. Cali Xaamud Jibriil, Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Md. Maxamed Axmed Nuur (Indho-buur) oo metalayay wasaarada Arrimaha dibada iyo ku xigeenkiisa Md. C/Casiis Axmed Karaani.

Xubnaha Weftigan Denmark waxay ka kala socdeen Wasaaradaha Cadaalada, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibada ee dawlada Denmark. Shirkan ayaa lagaga wada hadlay arrimaha ay ka midka yihiin:

1.Arrimaha budhcad badeedka

2.Adkaynta nabad galyada Somaliland

3.Kor u qaadida mashaariicda horumarineed ee dawlada Denmark ka fuliso dalka Somaliland

Waxa ugu horayn weftiga ku soo dhaweeyay Xafiiska Somaliland ugana mahad celiyay socdaalkooda Wakiilka Somaliland ee Kenya Md. Maxamed Axmed (Indhabur), kadib waxaa halkaas hadal mahad naq ah ka soo jeediyay madaxa weftiga Denmark Mr.Avders oo aad ugu ammaanay Somaliland dimuqraadiyada iyo nabad galyada ay samaysay, wuxuu sidoo kale faah faahin ka bixiyay socdaalkooda ay ku yimaadeen dalka Kenya oo uu tilmaamay inay xuran u tahay deeq bixiyeyaasha ka hawlgala bariga iyo badhtamaha Afrika. Wuxuu sheegay in u yimaadeen sidii ay qiimeyn iyo rayi ururin u samayn lahaayeen waxaanu carabaabay inay balaadhinayaan mashaariicdii horumarineed ee ay ka wadeen dalal badan oo Afrika ah, isagoo si gaara u xusay in ay Somaliland aad u danaynayaan in ay ka taageeraan dhinaca horumarinta iyo waliba amminiga gaar ahaan ciiddamada ilaalada xeebaha oo uu sheegay in ay wada shaqayn toos ah la samaynayaan booqanayaana dhawaan.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaanu tafaasiil ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay, waxaanu u soo bandhigay baahiyaha dalku uga baahan yahay in laga taageero.

Guddoomiyuhu wuxuu dalka Denmark ka dalbaday inay kordhiyaan dhaqaalaha iyo mashaariicda ay ka fuliyaan Somaliland.

Waxa kale oo ka hadlay shirkaasi Wasiir Ku Xigeenka waxbarashada Md. Cali Xaamud Jibriil, oo sheegay inay uga mahad celinayaan xukuumad ahaan dawlada Denmark gargaarka ay siiyaan waxaanu u soo jeediyay inay kordhiyaan mashaariicda dib u dhiska dalka.”

Somaliland’s miracle dairy farm

Filed under: NEWS — somaliland247 @ 12:59 pm
Tags: ,

Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Somaliland’s miracle dairy farm

BBC Africa Editor Mary Harper describes how she came to report on a remarkable green field dairy farm in the middle of the desert in a rejuvenated Somaliland.

I didn’t believe a word Abdullah Farah was saying when he first told me about his farm.

I had met him by chance in the Man-Soor Hotel while reporting for Assignment in Hargeisa, the capital of Somaliland – a dry, arid territory that broke away from Somalia 20 years ago and classed by the BBC as a ‘hostile environment’.

Like so many Somalilanders, Abdullah had fled the territory during a civil war in the 1980s. He ended up as a refugee in Canada, where, from nothing, he built up a lucrative business.

But he had returned to his homeland to set up what he told me was the “Green Valley Dairy Farm”.

Desert oasis

I’m sorry to say that I laughed at him and joked that he was living in some kind of fantasy land because I could never imagine such a thing in Somaliland.

On my journey through the territory, I had seen hardly any green vegetation and certainly no dairy cows. Just camels and goats.

He asked if I’d like to visit and I couldn’t resist, so the next day we set off early in the morning in his dusty jeep.

We flew across the sand at great speed, bouncing and leaping across territory that is still being cleared of the hundreds of thousands of landmines planted there during the civil war.

Suddenly, in stark contrast to the sandy landscape, appeared an expanse of bright green.

I thought I had seen a mirage, but there, built amongst the lush fields, was a green cowshed, full of black and white dairy cows.

Somaliland pioneers

Mr Farah didn’t know anything about farming when he started the project, but he wanted to produce fresh milk in Somaliland because many people, including his father, suffer from weak bones caused by calcium deficiency.

“I learned all of this from the internet,” he said, laughing.

His can-do attitude and spirit of adventure was something I encountered a lot in Somaliland, especially amongst those people who had returned from exile overseas.

I came to think of them as the ‘Somaliland pioneers’.

Boom town

Somaliland doesn’t have access to big international loans because it doesn’t officially exist as a country.

Its government is poor and weak, but business people and local communities are rebuilding Somaliland from the rubble of war.

Twenty years ago, Hargeisa was called the ‘Dresden of Africa’ – the city had been flattened by systematic aerial bombardment by Somali government forces.

Now it is a boom town and many of the roads, bridges, schools and hospitals have been built with private money.

Some Somalilanders have contributed millions of dollars, others perhaps a camel, a goat or a few shillings.

Contrasting lands

Despite Somaliland’s ‘hostile environment’ status, I felt extremely safe there.

Most expatriates won’t leave their homes without armed guards, but I travelled all over the territory with no armed escort.

There were several checkpoints manned by veterans of the civil war, but passing through them was always a good-humoured and relaxed experience.

The riskiest thing about my trip to Somaliland was getting there.

I travelled by air from the Kenyan capital Nairobi, via the Somali capital Mogadishu where, on an almost daily basis, al-Qaeda linked fighters battle a weak transitional government backed by African Union peacekeepers.

Fortunately there was no heavy fighting on the day I was there and the atmosphere was fairly relaxed.

But the city was heavily militarised – a complete contrast to Somaliland, where most of the guns have been put down and people are doing what they can to develop their homeland, including making sure the population has fresh milk to drink.

Wafti Ka Socda Dalka Norway Oo Maanta Kulan la Yeeshay Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiiradda Ee Somaliland


Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Wafti Ka Socda Dalka Norway Oo Maanta Kulan la Yeeshay Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiiradda Ee Somaliland.

Hargeysa Mar.13, 2011 – Xubno Wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa maanta kulan kula yeeshay Magaaladda Hargeysa Wafti balaadhan oo ka socday dalka Norway. Kulankan oo ka dhacay hoolka shirarka Wasaaradda Beeraha ee Magaaladda Hargeysa, ayaa lagu gorfeeyay sidii loo horumarin lahaa mashaariicda dhinaca Beeraha, Khayraadka dabiiciga ah iyo wax soosaarka Dalka.

Dhinaca Somaliland shirkan waxa ka qayb galay ,Wasiirada Xanaadda Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda MD Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geejire),iyo Beeraha Md Faarax Maxamuud Cilmi (Geedoolle), Agaasimayaasha Guud ee Tacliinta sare iyo beeraha, halka dhinaca Waftiga Norwayna ay ka socdeen:Merit Hern AES,NPA-Norway iyo Mostafa pourbayat oo ka socday ururka kultur og kompetanse oo ka sheeqeeya horumarinta beeraha iyo wax soo saarka.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda oo Warbixin ka siiyey Warbaahinta dalka waxyaabaha ay kawada hadleen waftigan iyo nuxurka ka soo baxay ayaa hadalkiisa wuxuu u dhignaa sidatan:-

“Kooxdani waa kooxdii dalka Norway ku baraarujisay in ay Somaliland wax u qabtaan waxaanay ka socdaan urur la yidhaahdo NVA oo ka soo jeeda gobal ka mid ah goboladda Norway oo ah ka ugu wayn dhinaca Wax soosaarka beeraha oo layidhaahdo (Head Mark) waxaanay halkan maanta wadaan in ay kormeer ku sameeyaan wixii ay inala qaban lahaayeen. Ugu horeyna waxaa uu yahay mid ay iminka in doora ka shaqaynayeen mudo gaadhaysa lix sanadood oo hada soo dhamaaday Maaligelintiisiina loo diyaariyey oo ah College Beeraha ah oo laga Hirgelinayo degaanka Cadaadlay,kaas oo ay doonaayeen qaybta ay xukuumadu ka qaadanayso iyo qorshaha oo dhamaystiran in ay sii qaataan.

Waxaa kale oo ay inaga caawin doonaan Wasaaraddaha Beeraha, Deegaanka,Xanaanada Xoolaha iyo Khayraadka bada,waayo dalka Norway waa dalka aduunka ugu horeeya dhinaca kaluumaysiga oo khibrad dheeraad ah ayaa ay u leeyahiin wax soosaarka badda,iyaga oo dhiiri gelinaya Shaqaalaysiinta dhalinyaradda iyo dumarka, ee dhinaca Xeebaha,waxaa kale oo ay shirkan ku cadeeyeen in ay Norway diyaar utahay in ay wax la qabato Somaliland”.