Somaliland247's Blog

August 30, 2010

Shirkadda Somcable oo Soo Bandhigtay Qaabka Ay Dalka U Keeni Doonto Xadhigga Isgaadhsiinta Badda Hoos marta, iyo Dhaqaalaha ku Baxaya

Filed under: NEWS — somaliland247 @ 10:46 pm
Tags: ,

Like This!

FaceTweet it!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Shirkadda Somcable oo Soo Bandhigtay Qaabka Ay Dalka U Keeni Doonto Xadhigga Isgaadhsiinta Badda Hoos marta, iyo Dhaqaalaha ku Baxaya:

 

Hargeysa- Shirkadda Somcable ee uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) siiyey ruqsada ogolaanshaha xadhkaha Isgaadhsiinta Badda la hoos mariyo ee loo yaqaan (Fiber Optic), ayaa shalay soo bandhigtay qaabdhismeedka iyo faa’iidooyinka uu leeyahay mashruucan ay dalka ku keenayso xadhigga Badda hoos mara.

Munaasibad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Shirguddoonka labada Gole Baarlamaan (Guurtida iyo Wakiillada), masuuliyiin ka kala socotay saddexda Xisbi Qaran, Raxan Wasiirro ah oo uu hoggaminayey Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Masuuliyiin kale oo Xukuumadda ka socday, Ganacsato badan, Aqoonyahaniin iyo marti sharaf aad u tiro badan oo shalay lagu qabtay Huteel Maan-soor ee magaalada Hargaysa, ayey shirkada Somcable ku soo bandhigtay qaab-dhismeedka shirkaddu ay u keenayso dalka xadhigga Cable-ka Fiber Optic-ga iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay bulshada Somalialand. Madaxa horumarinta Ganacsiga ee shirkadda Somcable Eng. Yuusuf Xuseen Cabdalle, ayaa warbixin uu halkaa ka jeediyey kaga warramay habka ay Shirkadda Somcable u hawlgalayso iyo kharashka ku baxaya abuuriddeeda.

Waxaanu Eng. Yuusuf oo arrimahaa ka hadlayaa yidhi; “Faa’iidooyinka ay Somcable soo galinayso dalka waxa ka mid ah, kobcinta dhaqaalaha oo ay si toos ah u maalgelin doonto Somcable, lacag aad u badan ayuu mashruucan qiimihiisu yahay oo gaadhaysa 40 milyan oo doolar 80% lacagtaasi waxay gali doontaa dalka guddihiisa. Waxa ka dhalanaya sannad iyo badhka uu dhisku socdo shaqooyin aad u badan.” “Waxaannu keeni doonaa farsamoyinkii u dambeeyey ee dhinaca tiknoolajiyadda, farsamo yaqaaniinta ka shaqayn doonaana waxay joogaan dalka oo ardayda jaamacadaha ee IT-ga ee aan jaaniska u helin inay ku shaqaystaan oo 90% ay maanta dalka joogaan, ayaa ka shaqayn doona.” ayuu hadalkiisa raaciyey Eng. Yuusuf Xuseen.

Mar uu Eng. Yuusuf Xuseen Cabdalle ka hadlay doorka ay dawladdu ku yeelanayso Shirkaddaas iyo sida ay adeegyadooda u qaybinayaan, waxa uu yidhi; “Dawladu waxay ku yeelanaysaa Somcable fadhi laga maamulo, xaga nabadgelyada waxa masuul ka noqonaysa dawlada. Gobolada dalka oo dhan shaqaale ayaa maamulaya xafiisyadayada, waxaanu mar walba tababar siin doonaa shaqaalaynta dadka reer Somaliland oo iyaga fursada u horaysa la siin doono.shaqaalahayaga waxa tababaro lagu soo siin doonaa Yurub. Tacliinta iyo caafimaadka shirkad wal oo xadhig meel dhigtaa waxa ay fursada koowaad siisaa waxbarashada inay adeeg siiyaan ardayda ka caawiya tacliinta. Waxaanu balan-qaadaynaa qiimayaal gaar u ah jaamacadaha wadanka oo bilaash wax yar uun ka badan. Caafimaadkana dhakhaatiirta iyo baadhitaanadooda adeegyadaasi waa kuwo aan isleeyahay dalku wuu ka faa’iidi doonaa.”

Waxaanu Yuusuf sheegay inaanay Shirkadda Somcable noqon doonin mid cidi kaligeed leedahay, balse ay noqonayso mid sheerer badan siinaysa ganacsatada reer Somaliland, si ay u ballaadhato oo ay u noqoto shirkad dadweynaha reer Somaliland guud ahaan ka dhaxaysa oo ay wada leeyihiin.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim ayaa isaguna ka hadlay munaasibadan waxaanu tilmaamay in shuruucda ganacsi ee dalku ay dhigayaan inuu ganacsigui noqdo mid xor ah oo aan mad madaw lahayn, waxaanu shirkada Somcable ku adkeeyey inaanu mashruucan hirgelintiisu dhaafin waqtigii loogu talo galay “Dawladu waxay leedahay ajande dhab oo lagu xaqiijinayo in ganacsigeenu uu noqdo mid xor iyo xalaal ah oo ku salaysan shuruucda caalamiga ah oo aan ahayn wax mugdi ku jiro oo noqon doonta wax qof waliba uu ku qanco” ayuu yidhi wasiirku “Shirkada Somcable waxaanu aad iyo aad ugu rajo waynahay inay ahayd bartilmaameed sharaf noo ah inaanu siino ruqsada dalka lagu keenayo mashruucan, waxaananu ku dhiirgelinaynaa inaanu maalin ka habsaamin xilligii loogu talagalay” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiintu.

Waxa iyaguna munaasibada ka hadlay labada guddoomiye ku-xigeen ee shir-guddoonka Guurtida iyo Wakiillada Somaliland Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Prof. Axmed Xuseen Ciise oo dhammaantood tilmaamay tilmaamay inay soo dhawaynayaan mashruuca ay shirkadda Somcable ku keenayso dalka xadhigga Badda hoos mara. Waxaanu Axmed Xuseen Ciise sheegay in marka Shirkaddaa la dhaqaajiyo Somaliland heli doonto Internet awood badan leh oo ka jaban ka hadda la dalka laga helo.

VIDEO:

Hargeisastar.com

Somaliland:Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray Qoyskii Uu Ka Baxay Mj Cabdilaahi Askar Barkhad

Filed under: NEWS — somaliland247 @ 12:05 am
Tags: , ,

Like This!

FaceTweet it!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz 

Somaliland| Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray Qoyskii Uu Ka Baxay Mj Cabdilaahi Askar Barkhad:

JAMHUURIYADDA    SOMALILAND

REPUBLIC OF  SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Email: afhayeenka_jsl@yahoo.com

Somaliland President

 

TACSI MADAXWEYNE

Madaxweynaha JSL Mudane:Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Tacsi u dirayaa Qoyskii,Eheladii & Asxaabtii uu ka Geeriyooday MUJAAHID CABDILAAHI ASKAR Oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa.

Madaxwaynuhu wuxu ILLAAHAY ugu baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii iyo Dhamaan Shacab -ka-Reer Somaliland-na ee uu ka baxay Maruunku uu samir iyo Iiman ka siiyo.

Aamiin ……..Aamiin……..Aamiin

C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

AF-hayeenka Madaxtooyada JSL

VIDEO: