Somaliland247's Blog

August 24, 2010

Booliska Hargaysa oo Gacanta ku Dhigay Gaadhi Siday Walxaha Qarxa

Filed under: NEWS — somaliland247 @ 4:14 pm
Tags: , ,

Like This!

FaceTweet it!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Booliska Hargaysa oo Gacanta ku Dhigay Gaadhi Siday Walxaha Qarxa


Hargaysa-Ciidamada Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay gacanta ku dhigay saddex nin oo midi dhaawac yahay iyo Baabuur ay wateen oo ay u saarnaayeen waxlaha wax lagu qarxiyo, kaasoo laga qabtay badhtamaha Suuqa Caasimadda Hargeysa.

Ciidamada Booliska ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay gelinkii hore ku guulaystay inay magaalada ka dhex-qabtaan Gaadhi Bas ah, gaar ahaan nooca la yidhaahdo TATA oo lambarkiisu yahay 37057 slad iyo saddex Nin oo mid ka mid ahi ka dhaaacan yahay Sararta Bidix iyo lix Boosh oo ah kuwa dhexda lagu xidho oo ay ka buuxeen walxaha Qaraxyada ismiidaaminta ah lagu fuliyo ama lagu guro aaladaha qarxa. Mar aannu xalay isku daynay inaannu arrintaa wax ka waydiinno Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaanay noo suuragalin inaannu helno, Hase-yeeshee, Saraakiil Booliska ka tirsan, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey, inay Boolisku gacanta ku dhigeen saddex nin oo Gaadhigaas watay oo mid ka mid ahi dhaawacan yahay iyo lix Boosh oo waxyaabaha qarxaa ka buuxaan oo ah nooca dheda lagu xidho.

Saraakiisha Booliska ee Warbaahintu la xidhiidhay, ayaa sheegay in ninka dhaawaca ahi ku dooday inuu ku dhaawacmay Toorri lagu dhuftay dhawaan isaga oo jooga magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland, hase ahaatee, waxay Saraakiishu sheegeen in dhaawaca ninkaas qabo oo ka soo gaadhay Feedha dhinaca Bidixda aanu u eegayn mid Toorriyeed, balse uu u muuqdo inay Xabadi ku dhacday, sidoo kale waxay sheegeen in baabuurka baska ahi uu sitey lambar kale oo ah 24744 puntland somaliya.

Warku waxa uu intaa ku daray in Saddexdaa nin, gaadhiga ay wateen iyo aaladaha lagu qabtayba ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamada C.I.D-da, kuwaasoo baadhitaan ku wada xaqiiqooyinka ujeeddada nimankaas iyo hubka ay siteen ku socdeen iyo halka ay ka soo kicitimeen. Iyada oo laga shaki qabo inay nimankaasi ka mid yihiin Jabhadda ka dagaallanta deegaannada Galgala ee Bariga fog ee Gobolka Sanaag oo ay dhalasho ahaan sadddexda ninba kasoo jeedaan.

Source Hargaysa Star