Somaliland247's Blog

May 1, 2011

Boqorka Dalka Kuwait Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Waftigii uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo


Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Boqorka Dalka Kuwait Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Waftigii uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo

Somaliland President Ahmed Mohamed Mahamoud "Silanyo" meeting with Emir of Kuwait Sheihk Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah

Kuwayt-Boqorka dalka Kuwayt Amiir Sabah Al Ahmed Al Jabir Al Sabah ayaa saaka xafiiskiisa si weyn ugu qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hugaaminayo ee booqasho hawleedka ku jooga wadanka Kuwayt.

Boqorku waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku amaanay dadaalka ay dawladda iyo shacbiga reer Somaliland ka sameeyeen dhinaca nabadgelyada iyo hanaanka dawladnimo ee ka hanaqaaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) ayaa Boqorka dalka Kuwayt uga waramay xaaladda guud ee dhinac-yada dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabad-gelyada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu faah-faahin ka bixiyey dedaalka ay shacbiga Somaliland iyo dawladuba ka sameeyeen dhinaca nabadgelyada iyo horumarka iyo caqabadaha hor yaala ee u baahan in ay dawladda Kuwayt ka caawiso somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Boqorka u gudbiyey buqshad qoraalo ah oo koobaysa baahiyaha ay Somaliland qabto kuwaas oo uu Madaxweynuhu Boqorka ka codsaday in uu ka caawiyo.

Madaxweynuhu waxa uu Boqorka u sheegay in ay Somaliland qani ku tahay khayraad badan oo dhulka hoostiisa ku jira sida shidaalka iyo macdanta iyo weliba khayraad dhulka dushiisa iyo badaba ku jira sida beeraha, xoolaha iyo kalluunka, Sidaa awgeedna ay diyaar u tahay in ay fududayso oo ay soo dhawayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa gaar ahaana dawladda Kuwayt iyo tujaarteedaba.

Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Boqorka uga mahadceliyey soo dhawaynta qiimaha leh ee ay dawladda Kuwayt ku qaabishay weftigiisa iyo niyadsamida walaalnimo ee ay u muujiyeen.

Boqor Sabah Al Ahmed Al Jaabir Al Sabah ayaa gunaanadkii kulankaas Madaxweynaha ku dhiiri geliyey in ay Somaliland ku fara-adaygto nabadgelyada ay samaysatay. Waxaanu ballanqaaday in ay dawladda Kuwayt diyaar u tahay in ay Somaliland wax la qabato iyadoo ay imikaba jiraan mashaariic horumarineed oo ay Kuwayt Somaliland ka wado.

Boqorku waxa uu Madaxweynaha waji furan ugu ballan qaaday in uu tixgelindoono codsigiisa ay xambaarsan yihiin qoraalada uu u gudbiyey.

Markaa ka dib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu kulan muddo saacad ah qaatay la yeesheen HayÂ’adda Kulmisa hayÂ’adaha iyo ururada sama-falka ee wadanka Kuwayt. Waxaanu Madaxweynuhu uga xaal waramay kaalmada uu shacbiga Somaliland uga baahanyahay hayÂ’adahaas sama-falka ee muslinimo iyo benni-aadanimo. HayÂ’adahaa ayaa iyaguna sheegay in ay diyaar u yihiin gacan ka geeysashada taageerada ay u baahanyihiin shacbiga Somaliland, dhawaana soo diri doonaan koox diraasad ka soo samayn doonta Dalka Somaliland.

Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland