Somaliland247's Blog

March 18, 2011

VIDEO: Koox ka Soo Goostay Ururka SSC Oo Loogu Soo Dhaweeyay Somaliland


Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Koox ka Soo Goostay Ururka SSC Oo Loogu Soo Dhaweeyay Somaliland

 

Burco-Xoghayaha Arrimaha bulshada ee ururka nabad-diidka ah ee SSC Kayse Cabdi Yuusuf, oo ay weheliyeen xubin ka tirsan golaha dhexe ee ururkaasi iyo sodameeye qof oo kale oo ka mid ah maleeshiyada deegaanka Widh-widh ee gobolka Buuhoodle ayaa soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer ka dib markii ay ka goosteen kooxda nabad diidka ah isla markaana ka tanaasuleen falalka nabad gelyo darrada ah ee kooxdaasi ka waddo deegaanada Buuhoodle iyo Sool.

VIDEO: Koox ka Soo Goostay Ururka SSC Oo Loogu Soo Dhaweeyay Burco 

 

Kooxdan soo goosatay waxa si diiran magaalada Burco ugu soo dhaweeyay maamulka gobolka Tog-dheer, waxaana la dejiyay guriga martida ee magaalada Burco. kooxdani waxay wateen afar baabuur oo midi tikniko yahay.

Tallaabadani waxay dhabar jab ku noqonaysaa kooxda SSC, iyadoo Xoghayaha arrimaha bulshada ee SSC Kayse Cabdi Yuusuf uu kooxdaasi ka ahaa xubin miisaan culus ku dhex lahaa oo ka mid ahaa qab qableyaashooda ugu caansan, waxaanu ka hawl geli jiray deegaanka Widh-widh oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

waxa kale oo uu Keyse Cabdi Yuusuf waxa uu hore ugu magacownaa badhasaabka gobolka Buuhoodle ee maamul goboleedka Puntland ee dalka Somalia.

sarkaalkan iyo waxgaradka weheliya ayaa la sheegay inay ajiibeen dalabadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee dhinaca nabadgelyada, waxaana la filayaa inay ka qeyb qaataan shirarka nabadeynta ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaaladii ka dhacay deegaanka Kalshaale ee khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba geystay.

VIDEO: Koox ka Soo Goostay Ururka SSC Oo Loogu Soo Dhaweeyay Berbera Mar 17 2011

 

3 Comments »

  1. anaku haduunu nahay dhulbahante somaliland waa walaalahayo waa ehelkayaga mar walbana iyaka ayaanu raacsanahay. siyaasada majeerteenka ayaa dadkii been u sheegay , laakiin nin walba oo wax garad ah oo ka soo jeeda qabiilka dhulbahante wuu ogyahay halka ay danu uugu jirto. WAANA NABADA IYO HORUMARKA! .

    Comment by mr.dhulboos — March 18, 2011 @ 9:26 am | Reply

  2. Inaadeer waan kugu raacsanahay hadalkaas. anigu waxaan ahay reer laascaanood, mar walbana somaliland baan barbar taagnaa. inaka nabada iyaa inoo dana. sababtoo ah haduu dagaal dhaco weynu ognahay inaynaa isaaq iska celin karin, majeerteenkuna in uu meesha inuku dilo ayuun buu rabaa walee.

    Comment by CAGJIID — March 18, 2011 @ 9:30 am | Reply

  3. waan kugu raacsanahay walaal. viva laascaanood

    Comment by CAGJIID — March 18, 2011 @ 9:30 am | Reply


RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a comment