Somaliland247's Blog

July 6, 2011

Madaxweyneha Somaliland Oo Xafiiskiisa ku qaabilay Waftiga Uu Hogaaminayay Agaasimaha EU-da


Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Madaxweyneha Somaliland Oo Xafiiskiisa ku qaabilay Waftiga Uu Hogaaminayay Agaasimaha EU-da

Somaliland President Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo and Andris Piebalgs European Commissioner for Development

War-saxaafadeed

 

Hargeysa-Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka socda EU-da, oo uu hogaaminaayey Andris piebalgs oo ah Commissioner for Development EU-da ka socda oo socdaal ku yimid Dalka.

Waxa uu madaxwaynuhu uga waramay Xaalada Guud ee Somaliland ee dhinacyada Nabad-gelyada, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Dhaqaalaha.

 

 

Waxa kale oo uu madaxwaynuhu Weftiga warbixin ka siiyey xaalada dalku halka ay marayso mudadii koobnayd ee ay Xukuumadani xilka haysay iyo waxyaalaha u qorshaysan hada.

Madaxa Weftiga Andris piebalgs ayaa isaguna waxa uu madaxwaynaha si wayn ugu hambalyeeyey sida diiran ee uu u soo dhaweeyey Madaxweynuhu iyo sida ay u soo dhaweeyeen dadweynaha reer Somaliland oo uu aad uga mahad sheegtay Mr Andrin.

weftigu waxa uu somaliland ku dhiirigeliyey Dadaalka ay ugu jirto inay Horu-mar ka gaadho Dhismaha Dawladnimada & Hanaanka Dumuquraadiyada, waxaanu sheegay in ay EU-du diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso Dhismaha Wadooyinka, Dekeda Berbera iyo Mashaariicda Biyaha oo ay gacan weynka gaysan doonaan si dadku u helo biyo ku filan iyo in ay kor u qaadidoonan dedaalkooda la xidhiidha dhaqaalaha ay Somaliland ugu talo galeen inay ku caawiyaan taas oo uu sheegay Andrin piebalgs in ay sidii ay horeba u balan qaadeen ay kaga dhabayn donaan balan qaadkooda.

 

Gebegebadii kulankan waxa ay weftigu madaxwaynaha u sheegeen in ay aad ugu Faraxsan yihiin isla markaana ay ka mabsuudeen Qodobadii lagaga wada hadlay kulanka

Dhankoodana ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-gelidoonan soona maridonaan dhamaan meelaha ay doonayaan in ay wax ka qabtaan, mudada yar ee ay Somaliland ku joogaan Bookhashada kooban.

ALLAA MAHAD LEH

 Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: