Somaliland247's Blog

April 27, 2011

Madaxweynaha Somaliland Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Kuwait. Daawo Sawiro


Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Madaxweynaha Somaliland Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Kuwait. Daawo Sawiro

Kuwait-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Magaalada Kuwayt ee dalka Kuwayt. Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan.

“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe ka dhoofay Gegida diyaaradaha ee khaaska u ah Madaxda Dalka Imaaraadka Carabta ee Abu-Dubai isagoo u sii jeeda waddanka Kuwayt oo uu ka helay martiqaad rasmi ah ka dib markii uu dhamaystay booqashadii uu ku joogay Imaaraadka Carabta iyo kulamadii uu la yeeashay sheekhyada iyo Ganacsatada waa weyn qaarkood ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka carabta iyo weliba shirkado iyo diblumaasiyiin ay la yeesheen kulamo gooni gooni ah. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaabilad sare iyo soo dhawayn kala kulmay waddanka imaaraadka carabta waxa ay kulamadii uu la yeeshay Madaxda waddankaas oo dhami ku dhamaadeen is afgarad iyo iskaashi niyad sami ah oo ay labada dhinac ku heshiiyeen qodobo door ah oo wax ka tari doona baahiyaha dhaqaale ee Somaliland.

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay Gegada dayuuradaha ee Abu-Dabai ka qaaday dayuurad khaas ah oo uu iska leeyahay Amiirka Waddanka Kuwayt.

Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxay Magaalada Kuwayt soo gaadheen isla galabta makhribkii waxaana gegada dayuuradaha ee Kuwayt ku soo dhaweeyey oo halkaa ku sugayey masuuliyiin iyo madax ka mid ah dawladda Kuwayt, Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo lagu soo galbiyey gaadiidka martida ee dawladda. Sheekh Xamad Sabah Al-ahmad Al-sabah oo weftiga Madaxweynaha ku marti qaaday kuna soo dhaweeyey magaca aabihii oo ah Amiirka dalka Kuwayt iyo magaca dalkiisaba ayaa isla caweysinkan ku soo booqday hotel-ka uu degenyahay weftiga Madaxweynuhu.

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay berri kulan ku yeelanayaan xafiiskiisa Amiirka dalka kuwayt Sheekh Sabah Al-ahmed Al-sabah, Isla gelinga dambe ee berri waxa uu Amiirku beertiisa qaddo sharaf ugu samayn doonaa Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee weftigiisa ee socdaalka ku weheliya. Xubnaha weftiga ee Madaxweynaha socdaalkan ku weheliya waxay kala yihiin: Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda

Mudane, Xirsi Cali X. Xasan, Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL, Marwo Aamina Sheekh Maxamed, Marwada 1aad ee JSLMudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir, Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Iyo Xog-haya Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL cali Axmed Cali.”

Alla Mahad Leh

Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

1 Comment »

  1. eesh calaa soo dhawayn walee somaliland way dhaqaaqday

    Comment by shiine — April 27, 2011 @ 1:23 pm | Reply


RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: