Somaliland247's Blog

April 16, 2011

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay wafti ka socda kooxaha la dagaalanka budhcad badeeda

Filed under: NEWS — somaliland247 @ 7:56 pm
Tags: , , ,

Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay wafti ka socda kooxaha la dagaalanka budhcad badeeda

War-saxaafadeed

Hargeysa – Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xarunta madaxtooyadda ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socda kooxda 2-aad ee la dagaalanka Budhcad badeeda.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada, waxaanu u dhignaa sidan

Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta ku qaabilay xarunta Madaxtooyada, Wafti balaadhan oo ka socda kooxda labaad ee la dagaalanka budh-cad badeeda ee heer caalami.

Waftigan oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Kooxda labaad ee la dagaalanka budh cad-badeeda Caalamka Mr. Thomas Winkler iyo laba xubnood oo kala ah Anne Marie Agaasinka bariga Africa ee UNDOC iyo Shamus Mangun la taliyaha dhinaca xeer ilaalinta ee UNDOC.

Socdaalka waftigan ayaa daba socday wafti hore u yimid dalka Somaliland oo uu hogaaminayay u qaabilsanaha qaramada midoobay ee la dagaalanka budh-cad badeeda caalamka oo dhan UNODC, YURY FEDOTOV oo dhamaadkii bishii saddexaad ee sanadkan 2011-ka socdaal ku yimid caasimada Somaliland ee hargaysa,isla markaana la kulmay madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo), Waftigan ayaa ujeedadiisu tahay inay dhamaystiraan waxyaabihii hore qabyada uga ahaa kulankii waftigii hore ee uu hogaaminayay Mr. FEDOTOV oo ku saabsanaa dedaalka caalamku ugu jiro la dagaalanka budh-cad badeeda iyo qaab-dhismeedka loo fulinayo hawlaha la xidhiidha la dagaalanka budh-cad badeeda.

Waftigan uu la kulmay Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, Mudane (Saylici) waxaa ku wehelinayay wasiirka wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka Pro. Ismaaciil muumin Aar,Wasaiirka wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta Dr: Sacad Cali Shire,waxaanay Xukuamada iyo waftigani kawada hadleen doorka ay ku leedahay Somaliland hawlaha la xidhiidha ilaalinta badaha iyo wixii wax yeelaya Isu Socodka Dhanka badaha taas oo ay isku Af-garteen labada Dhinacba.

Xukuumada iyo waftigu waxay ku heshiiyeen inay yeeshaan kulamo kale oo Ambaqaad ah oo deg-deg ah isla markaana jawaab cad ka bixinaya gocashooyinka Somaliland ee ku aadan doorka looga baahan yahay in ay ka qaadato waajibaadka ay bulshada caalamku ugu jirto la dagaalanka budh-cad badeeda.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: