Somaliland247's Blog

March 29, 2011

War-bixin Xiiso Leh: Xasuuqii Cali Samater Ka Gaystay Somaliland Iyo Duuliyeyaashii Shisheeye Iyo Waliba Kuwii Somaaliyeed Ee Qaybta Libaax Ka Qaatay Duqayntii Dhinca Cirka Ee Somaliland


Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

War-bixin Xiiso Leh: Xasuuqii Cali Samater Ka Gaystay Somaliland Iyo Duuliyeyaashii Shisheeye Iyo Waliba Kuwii Somaaliyeed Ee Qaybta Libaax Ka Qaatay Duqayntii Dhinca Cirka Ee Somaliland

Former Somalia PM Gen. Mohamed A. Samantar-War Criminal

(Qorulugud.com)-Taariikhdu waxbay hagtaa, dadkuna wuu haybiyaa……Dhacdo kasta oo dunida ka

dhacdaa raad ayey ka tagtaa, siiba dhacdooyinka murgada leh ee ay ka mid yihiin

Xasuuqa iyo dil wadareedka lagu bartilmaamaysto Isir iyo Qoomiyad gaara oo aan waxba

galabsan. sida caadiga ah wax kasta oo la qariyaa ma qarsoomaan, wakhti kasta ha

qaadatee wax badan ayaa la ogaadaa marka muddo ka soo wareegto. Waxa jira Hadal

Murtiyeed uu yidhi abwaan Abdi-Gahayr oo iminka lagu maahmaaho, kaas oo ah*Cuqub

halkii lagu galay ayey Caw Ku hurudaa* Dulucda Murtidu xambaarsantahay ayaa ah Danbi

kasta halkii lagu galay ayaa laga Ogyey, cid kasta oo gashayna waa la ogyey ama waa

la ogaan-doonaa. Waxa aan xasuutaa muddo iminka ku dhaw labo sano ayaa xaflad soo

dhaweyn ah lagu qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, Xafladaa ayaa lagu

maamuusay oo lagu soo dhaweeye Duuliye Soomaaliyeed oo diiday in duqeeyo Hargeysa

iyo Hareeraheeda oo markaas ay wadhnaayeen Shacab diifaysan oo ka sii qaxaayey

dagaalkii ka socda Magaalada. Duuliyaha ayaa hubkii uu dayaarada ku siday ku

daadiyey Badda, Dayaaradiina fadhiisiyey Jabuuti. Duuliyahaa Soo dhaweynta iyo

Xafladaha ay taariikhdu ku xustay, waxa ka ag dhaw oo iyana ay taariikhdu maanta

xusaysaa Duuliyeyaashii Soomaaliyeed iyo kuwii Shisheeye ee sida Axmaqnimada ah ugu

garaacay Bambooyinka iyo hubka culus Maatadii iyo Caruurtii qaxaysay, kuwaas oo

Magacyadoodii iyo meelaha ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen aan ku bayaamindoono

Qoraalkan badhtankiisa iyo Gabogabadiisa-ba.

Ali Samatar with Siad Barre

Sooyaalka Taariikheed ee ka waramaaya colaadii bahalnimada ahayd iyo Xasuuqii

Isirnimo ee Kacaankii Dhiig yacabka ahaa uu ka gaystay Gayiga somaliland maaha mid

hal qormo lagu soo koobi-karaayo. Haddaba waxa aan qormadan ku soo qaadanaynaa

maanta Kaalintii Ciidankii Cirka ee Somalia iyo Calooshood u Shaqaystayaashii

Shisheeyaha ahaa ay ka qaateen Duqayntii cirka ee lagu Burburiye Somaliland.

Sanadkii-1983…Dowlada Imaaraadku *UAE* waxay Somalia deeq ahaan u siisay 14

Dayuuradood oo noocoodo kala ahaa:10 dayaaradood oo ahaa Hunters iyo 4 dayaaradood

oo ahaa nooca loo yaqaano Islander. Ciidankii cirka ee Somalia wuxuu u baahday

khubaro aqoon u leh dayaaradaha dagaalka ee Hunters-ka, kuwaas oo la doonaayey in ay

tababar siiyaan saraakiil Soomaliya. Ganacsade La yidhaado Jama Guuleed Abdi (Jama

Buluug) oo Xigto hoose yihiin Ahmed Saleebaan Dafle, si gaarana ugu xidhnaa Siyaad

Bare iyo inta ka ag dhow ayaa hawshii keenida khubarada Hunters-ka loo xilsaaray.

Mr. Jama-Buluug oo Xaruntiisu Nairobi ahayd waxa uu qandaraas Naas-nuujin ah ku

helay dabayaaqadii 1982 Keenista Shiidaalka Dayaaradaha yar-yar ee noocoodu

yahay*Seimarcceti super petrol nooca Avion-cento ottoni* Waxa kale oo Qandaraas lagu

siiyey Jama-Buluug in South Africa iyo Zimbawi ka soo kireeyo 4 Duuliyeyaal iyo 4

Farsamoyaqaan oo ku shaqeeya qaab calooshood-u-shaqaystenimo ah, ku darso oo waliba

waxa South Africa wakhtigaa Gacnta ku hayey Xukunkii Cunsuriga ahaa ee la odhan

jiray Aparthied. Jama-Buluug oo qaab musuq ah ugu milmay Taliskii Ciidankii Cirka

ayaa xafiis ka furtay saldhigii dayaaradaha ee Balidoogle oo u dhawaa Baydhabo,

halkaas waxa laga abaabulay tababarkii ugu horeeyey ee Caddaankii South Africa laga

keenay ay u fureen Saraakiishii kala ahaa:

Gaashaanle Sare: Duuliye Ali Ibrahim Ahmed…..Banaadiri.

Gaashaanle:Duulie Mohamed Warsame Mooto….Dhulbahante.

Gaashaanle: Duuliye Maxamuud Mad Khaliif…..Raxanweyn.

Sida ku cad warqad ka soo baxday taliskii Ciidankii Cirka, waxa Sherkedii

Jama-Buluug loo hormariyey Mushaharkii Calooshood-u-shaqaysteyaasha oo dhamaa

600,000 US Dollor. lacagtaas waxa lagu shubay Account-kii Sherkeda Jama-Buluug oo la

odhan jiray Dhoodi-Meer LTD COMPANY oo ku taalay London. Dhoodi-Meer waa magacii

Faraskii Sayid Mohamed Cabdille Hassan. Isticmaalka Magaca Dhoodimeer waxa uu ka

turjumayaa Qabyaaladii qaawanayd iyo isla weynidii dalka ka jirtay sebenkaas.

Accountkii Dhoodi-Meer ee lacagta lagu shubi jiray waa kan hoos ku qaran…

VIDEO

 

 

Dhoodi-Meer LTD COMPANY

Account Number 140/1/02494515

National Westminster Bank

1-4 BERKELEY SQUARE HOUSE

BERKELEY SQUARE

LONDON W1X 6AX

UNITED kINGDOM

Taliskii Siyaad Bare bilowgii hore ee dagaalka, wuxuu Caalamka ka qariyey isla

markaana si qayxan u dafiray in uu dagaal kula jiro Jabhadii SNM. Wuxuu isku deyey

in uu ka hortago wax kasta oo beentaa qaawan ka shifaaya. Gaashaanle Sare Duuliye

Faarax Siciid (Majeerteen) oo ahaa taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa iyo

Gaashaanle sare Mohamed Adan Dirir (Mareexaan) oo isna ahaa Taliyihii Ciidanka cirka

ee Berbera ayaa ku dalbaday Duuliyayaashii dayaaradaha Mig 17 iyo Mig 19 in ay

duqeeyaan oo si culus u Bamgareeyaan dad iyo duunyo wixii ay arkaan, si ay u

horjoogsadaan

Qaxoontiga ku sii qulqulaaya dhinca Xadka Ethiopia. Ujeedada Siyaad Bare waxay ahayd

in uu Dunida ka qariyo xaqiiqda jiritaanka ee dagaalka.

Gaashaanle Sare Farah Siciid (Majeerteen) Taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa oo

isagu ahaa ninkii gacanta ku hayey hawlgelinta Dayaaradaha ayaa markii hawshii ku

balaadhatay u habarwacday taliyeyaashii saldhigyada ciidanka cirka ugu waa-weynaa ee

ku yaalay Ballidoogle iyo Baydhabo.

Gaashaanle Sare Duuliye khaliif Ciise Yuusuf /Majeerteen) taliyihii ciidanka Cirka

ee Ballidoogle oo hogaaminaaya Raxan dayaaradaha noocoodu yahay Mig 17 & Mig 19 iyo

Gaashaanle sare Duuliye Ali Ibrahim Ahmed (Banaadiri) taliyihii ciidanka cirka ee

Baydhabo oo isna horkacaaya raxan dayaaradaha loo yaqaan Hunters ayaa si deg-deg ah

uga soo deg Garoonka Hargeysa, kuna biiray hawlgalkii duqaynta ahaa ee hore u

socday.

Ciidankii hore ee dagaalka waday oo ku sugnaa welwel iyo walbahaar ayaa markay

arkeen ama ka war heleen Gurmadka Dayaaradaha ah niyadoodii si la yaab leh kor ugu

kacday, waxaanay aamineen in iminka ay Jabhada SNM Cagta maridoonaan. waxa la

abaabulay duulaan cir iyo dhul ah oo lagu qaado goobihii dadka shacabka ahi u qaxeen

iyo meelihii ay ku tuhmaayeen dagaalyahanada SNM, waxa markiiba sahan loo diray

dayaaradaha CESNA oo ay wadeen duulliyeyaasha kala ahaa:

1-Duuliye Ahmed Mohamed MaHamoud (Mareexaan)

2-Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)

3-Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen)

4-Yuusuf Juseeb (Majeerteen)

5-Xasan Yare…..(Ogaadeen)

Sahankii ka dib waxa la qaaday weerarkii lagu doonaayey in lagu soo afjaro halgankii

SNM., Duqayntii cirka iyo dhulkaba waxa ay si xidhiidha oo aan kal-g’olahayn habeen

iyo maalinba u socotay muddo dhowr bilood ah. Gaashaanle Sare Duuliye Yuusuf Maxamed

Maxamoud *Yuusuf yare (Majeerteen) oo waday Mig 17 waxa uu duqeeyey goob kasta oo uu

ku arkay Bidhaan dad iyo duunyo, Xataa Xoolaha nool ee Miyaga daaqaaya muu dhaafi

jirin. ninkaas oo Gacan-ku-dhiigle Moorgan ku abaal mariyey lacag faro badan iyo

Gaadhi *Landcruiser* ah waxa loo aqoonsaday in uu yahay Sarkaalkii Kaalinta kowaad

ka qaatay Burburkii dhinaca cirka ee loo gaystay Somaliland iyo Shacabkeedii.

Gaashaanle dhexe Duuliye Maxamud Xaaji Warsame *Mooto* (Dhulbahante) ayaa isna

qaatay kaalinta labaad ee duqayntii dhinaca Cirka. Kaalinta seddexaad waxa qaatay

Gaashaanle Sare Duuliye Mursal Muufo (Hawiye..Abgaal). Mursal waxa uu ku duuli jiray

Mig 19.

Guud ahaan Xasuuqii Ciidankii Cirka ee Somalia ay ka fuliyeen Gayiga Somaliland waxa

ka qayb qaatay Saraakiishan hoos ku qoran…..

1-G/sare Khaliif Ciise Yuusuf (Majeerteen) Taliyihii Ciidankii Cirka ee Balidoogle.

2-G/sare Faarax Siciid(Majeerteen) Taliyihii Ciidankii Cirka ee Hargeysa.

3-G/sare Maxamed Adan Dirir (Mareexaan)Taliyihii Ciidankii Cirka ee Berbera.

4-G/sare Yuusuf Maxamud Maxamed (Majeerteen)….Duuliye Mig 17.

5-G/sare Mursal Xaaji Axmed *Muufo*( Abgaal)……..Duuliye Mig 19.

6-G/sare Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)…………Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay

dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo dhacday….Cilad-farsamo

7-G/sare Xuseen Aadan Ibrahim (Samaroon)…………Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay

dayaaradii uu ku dagaalamaaya oo SNM soo riday

8-G/sare Ahmed Gurxan Hoori (Ogadeen)………….Duuliye Mig 19,

Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday

9-G/sare Maxamed Axmed Xaayow(Abgaal)…………….Duuliye Mig 19, ku-dhex-dhintay

dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo dhacday…..Cilad-farsamo

10-G/sare Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan)………….Duuliye Mig 19

11-G/dhexe Cadulaahi Xaaji (Ogaadeen) Taliye-ku-xigeenkii Salidhiga Baydhabo.

12-G/dhexe Maxamud Xaaji Warsame (Dhulbahante)……Duuliye Hunter.

13-G/dhexe Moxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)…………Duuliye Hunter,

ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday.

Jabkii baahsanaa ee ciidankii cirka ka qabsaday dagaalkii ay la galeen Jabhadii SNM,

ka sokow waxa Fadeexad iyo ceeb weyni dusha ka fuushay Ciidankii Cirka oo la ogaaday

in magac mooyee aanay Aqoon durugsan iyo khibrad toona u lahayn dayaaradaha

dagaalka, waxa la ogaaday xataa in ay ku fashileen oo awoodi kari waayeen in ay

horjoogsadaan oo dib u celiyaan Shacbkii aan hubaysnayn ee Xadka Itoobiya u

qaxaayey.

Wajigii labaad ee Duqaynta dhinca Cirka oo ahaa Kaalintii Shisheeyaha Calooshood u

Shaqaystayaasha ayaa furmay, kadib markii Duuliyeyaashii Soomaalidu ku fashilmeen

dagaalkii. Jama-Buluug oo Hawshaa u xilsaaraa ayaa si deg-deg ah uga keenay

Calooshood-u-shaqaystayaal ka koobnaa (Duuliyeyaal, Farsamo-yaqaano iyo hal

dhakhtar) oo dalka lagu soo galiyey qaab dalxiisteyaal. waxa la dajiyey Guri dabaq

ah oo ku yaal Degmada Hodan Xaafada Taleex (Tel. 81878) oo uu lahaa Cabdulaahi Cumar

Ismaaciil*Casaro* ( Majeerteen). Waxa kale oo jirtay Haweeyne Ragga

Calooshood-u-shaqaystayaasha ah la socotay oo la odhan jiray Aggie Robanson oo

Duuliye ka ahayd Dayaarada Jama-Buluug lahaa oo nooceedu ahaa CESNA laba Mator-lay

oo TAXI ahaan ugu kala gooshi jirtay Mogdisho iyo Nairobi, kuna duuli jirtay Baaq

Afgasho…*flight code: five young alpha young* Dayaaradaasi waxa ay qaabilsananayd

daabulka Khamriga iyo Hilibka Doofaarka. Calooshood u Shaqaystayaashii laga soo

kiraystay South Africa iyo Zimbawi waxa ka mid ahaa lixdan danbiile ee hoos ku

qoran.

1- J.R. Blythe Wood……Pilot.

2- M. Shegnuller………..Pilot.

3- D.R Jakson………….. Chie Engineer.

4- K.Jonnes…………….. Engines.

5- C.D Balfour……………Armaments.

6- J.D. Hurrel…………….Airframes.

Waxa Saraakiishii Ciidanka Cirku qaarkood cadeeyeen in tirada Calooshood u

shaqaystayaashu intaa ka badnayd oo la isku bedbedelijiray. Calooshood u

shaqaystayaashu marka ay hawda ku jiraan ee wax duqaynayaan waxay Isticmaali jireen

Code Names ahaa Jama iyo Diini. Labadaa magac ee ahaa Code names-ka, Jama waxa uu ka

soo jeedaa Jama-buluug. Diini waa magaca Jifada-Qabiil ee uu ka soo jeeday

kaligii-taliyihii Siyaad Bare

Inkasta oo Calooshood u shaqaystayaashii Shisheeye ay dad shacab ah Gumaadeen Hanti

badan burburiyeen haddan aakhirkii lafahoodii ayey u baqeen oo wey soo carareen.

Duuliye Blythe Wood inta uu xakamaha u jaray dayaaradii uu watay ayuu isna

Baarashuud ama Dallad kaga booday, Dayaaradiin-na waxay ay ku dhacday meel la

yidhaahdo Dallandoolle oo katirsan Degmada Buur-xakabo. Jama iyo Diini mar la

weydiiyey in ay ku noqonayaan dagaalkii, waxa ay ku jawaabeen hadal la macno ah

Murtida tidhaahda. *Adiguba Caqlaad leedahee Carar Maxaa Dhaama* …….. Dhamaad.

Macloomaadka ay Xambaarsantahay War-bixintani Qayb waxaan ka soo xigtay Buugga la

yidhaahdo Sababihii Burburkii Somalia oo uu qoray Qoraaga Magaciisu yahay

Cabdiqaadir Oromo, Qaybta kalen waxa ku deeqay Shakhsiyaada-ka hoos ku qoran.

1-Duuliye Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)

2-Idiris Shide oo ahaa gacan yarihii Jama-buluug ee hayey xafiiskii Ballidoogle.

3- Xisaabiyihii Sherkedii Dhoodi-Meer ee Nairobi Fadhiyey 1980-tamaadkii.

4-Xoghayihii Taliyihii Ciidanka Cirka: Sare/Guuto…Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi-Caluq)

Waxa soo diyaariyey: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist.

sooldhuub@hotmail.com

http://qorulugud.com/

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: