Somaliland247's Blog

March 29, 2011

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Wefti ka Socday UNDOC Iyo Dawlada Secyc heles


Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Wefti ka Socday UNDOC Iyo Dawlada Secyc heles

Somaliland President Ahmed Mohamed Mahamoud "Silanyo" with Unodc Executive Director Yury Fedotov

Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka xarunta madaxtooyadda ku qaabilay Wefti ka socday Ha’yada UNDOC iyo saraakiil ka tirsan dawlada Seycheles, kuwaasi oo socdaal ku yimid dalka si ay u soo eegeen jeelka weyn ee Hargeysa oo dhawaan dib loo furay. Ka dib markii ay dhamaystirka dayactirkiisa maal gelisay Qarammadda midoobay.

Madaxweynaha Somaliland.Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sheegay inuu weftigan ku soo dhaweynayo socdaalkoodan ay ku yimaadeen dalka.

“Somaliland waxay door weyn ka qaadanaysaa inay kala shaqeyso beesha caalamka xafiiska UNDOC iyo xafiisyada kaleba la dagaalanka budhcad badeedka. Waxaanu xabsiyada ku haynaa maxaabiis tiro badan oo falal budhcad badeednimo u xidhan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale, Agaasimaha Ha’yada UNDOC Yury Fedotov oo ka hadlayay socdaalkiisa Somaliland wuxuu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay inaan indhahayga ku arko Jeelkan Hargeysa oo dhismihiisu yahay mid u qalma heerarka caalamiga ah. Waxaanu xukuumadda Somaliland ka caawin doonaa kor u qaadida hanaanka cadaaladda. Anagoo tababaro siin doona laamaha cadaaladda. Waynu ka warqabnaa in budhcad badeedku ay culays ku hayso gobolka (Mandaqada), waxaana muhiim ah inaynu wada jir wax uga qabano la dagaalanka Budhcad badeedka.”

(Somaliland.Org)

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: