Somaliland247's Blog

February 28, 2011

Somaliland:Wafti ka Socda Haayada bisha cas ee Emiraatka carabta oo Raashin Caawimo ah u Qeybiyay dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada berbera


Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Wafti ka Socda Haayada bisha cas ee Emiraatka carabta oo  Raashin Caawimo ah u Qeybiyay dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada berbera

UAE Red Crescent in Berbera, Somaliland

Waxa manta magaalada Berbera soo gaadhay wafti ka socda hayada bisha cas ee imiraatka carabta waxaana waftigaa hogaaminaayay oo gadhwadeen u ahaa wasiirka wasaarada macdanta. Tamarta iyo biyaha ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale waxaanay waftigani manta uqeybiyeen dadka danyarta ah ee reer Berbera qeybo kamida raashin noocyo badan isugu jira oo ay ugu tala galeen in dadkaa la siiyo waxaana kala qeyb qaatay qeybinta raashinkaa Gudoomiyaha Gobolka saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)

Waxaana la sheegay in raashinkan ay hayada bisha cas keentay uu ka danbeeyay wasiirka wasaarad macdanta iyo biyaha oo dhawaan socdaalo shaqo kutagay wadamada khaliijka gaar ahan wadanka imiraatka carabta madaqada Dubai sida uu manta ka dhawaajiyay wasiirka wasaarada macdanta tamarta iyo biyaha Xuseen Cabdi Ducaale mar uu halkaa raashinka lagu qeybinaayay uu saxaafada kula hadlay isaga oo sheegay in raashinkan ay hayadan bisha cas ugu deeqday dadka soomaaliland yahay (900)sagaal boqol oo tan oo noocyo badan isugu jira waxaana hadaladii wasiirka kamid ahaa”raashinkan aad arkeysaan ee halkan lagu qeybinaayo waxa inoogu deeqday dawlada imiraatka carabta waxaanay kadanbeysay socdaalkii aan dhawaan kutagay wadanka imiraatka carabta oo anu waxyaabo badan qolooyinkaa isla meel dhignay waxaana kamid ahaa oo anu ka soo wada hadalay waxaana kmid ahaa in ay inaga caawiyaan abaaraha deeqdan aad imika rakaysaana waa raashin isugu jira Bariis.Sonkor.Daqiiq iyo Saliid tirade guud ee raashinkuna waa (900)sagaal boqol oo tan waxaana qeybiyay oo qorsheeyay sida loogu qeybinayo gobolada Gudida abaaraha ee soomaaliland halkan(Berbera)waxa loogu tala in ama loo qoodeeyay in raashin la siiyo (1000)qoys oo kamida dadka danyarta ah eek u dhaqan gobolka saaxil intan manta raashinka qaadanaysaana intii ugu horeysay waxaana tiradooda lagu sheegay sadex boqol oo qoys(300) qeybinta raashinka waana la wada gaadhsiinayaa cidii liistada ku qorneyd ee hore loo soo diwaan galiyay aniga iyo waftigan bisha casina waanu kormeeraynaa oo manta waxa aanu idiin sii dhaafayna dhinaca burco iyana hawshan bari laga bilaabi doono.

UAE Red Crescent

Raashinkan ayaa manta lagu qeybiyay meel magaalada kabaxsan oo ah xarunta shamiitada sibidhka Berbera oo imika aan shaqeyn iyada oo aan la garaneyn sababta keentay in magaalada laga saaro raashinka iyo dadka loo qeybinaayo balse waxa la sheegayaa in uu arintaa kadanbeeyay badhasaabka Gobolka saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)qorshahaasina isaga ka soo baxay iyada oo ay manta halka joogeen amaba dadka rashinka loogu qeybinaayay ahaayeen waxa aan ka badneyn (60)qoys oo dumar iyo caruur ubadan halka la sheegay in ay yihiin (300)sadex boqol oo qoys taas oo warbaahinta gobolka ka hawlgashaana xaadir u aheyd daahna aanu sarneyn waxaana lays weydiinayaa halka la geeyay dadka intii kale ee raashin loogu tala galay oo uu wasiirku ku sheegay (1000)qoys raashinkuna uu ku qiimeysan yahay kunkaa qoys ee u carabka ku dhuftay wasiirka wasaarad macdanta tamarta iyo biyaha Xuseen Cabdi Ducaale oo isagu ahaa gadhwadeenka waftigan caawimada soo bixiyay ee imiraatka ka socda haddaba bal waxa aynu eegi doonaa intaa uu ku eekaado qeybinta raashinku iyo meelo kale ay ku qeybiyaan masuuliyiinta Gobolka ee hawshan loo xilsaaray lagagana tagay in ay hawsha inta hadhay iyagu sii wadaan waftiguna ay qeybinta hore uun ka qeyb qaataan madaama oo ay gobolada oo dhan kormeer ku marayaan.

UAE Red Crescent

Raashinada noocyadana ayaa wakhtiyadii xukumadii hore hayadani keeni jirtay balse inta badan meel ay maraan lama arki jirin waxaana qaadan jiray oo gobolkan saaxil u xilsaaraa niman ku mamay caawimooyinka noocana iyaga oo wadaadnimo ku dhuumanaya baal marin jiray dadka loogu talagaly kuwaas oo manta joogay halkaa dadka danyata ah manta raashinka loogu qeybinaayay waxaanay u eekayd balwad la bartay oo meel loo maro lawaayay waxaana dhici karta in qoyahaa wakhtiyadaa hore qaabilsanaan jiray raashimada noocana iyo maamulkan gobolka ee gacanta kula jira qeybinta raashinka is afgaran waa dhex maro halkaas oo laga yaabo in ay xogo dheeraadi kasoo baxaan wakhtiyada soo socda.

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: