Somaliland247's Blog

February 9, 2011

Somaliland: Kulankii Albaabada uXidhnaa Sadexda Xisbi Qaran oo War Saxaafadeed Ka soo Saaray Maanta

Filed under: NEWS — somaliland247 @ 3:29 pm
Tags: , , , , ,

Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Somaliland: Kulankii Albaabada uXidhnaa Sadexda Xisbi Qaran oo War Saxaafadeed Ka soo Saaray Maanta

  
 

 

Warsaxaafadeed   taariikh: 09/02/11

 

KU: Warbaahinta Dawliga iyo kuwa madaxa bannaan

Ujeedo: Baaq kazoo baxasy seddexda Xisbi  Qaran oo ku wajahan shacabweynaha reer Somaliland iyo bulshada caalamka

 

Shir ay maanta yeesheen seddexda Xisbi Qaran oo lagu qabtay Xarunta Xisbiga Kulmiye kuna saabsanaa shaqaaqa ka aloosan deegaanka Buuhoodle waxay kasoo saareen baaq isugu jira taageero, cambaareyn iyo talo-bixin.

1.                 in jiritaanka Somaliland uu yahay muqadas lama taabtaana sidii ay isla qaateen dhammaan beelaha Somaliland wada dega shirkii Burco ka dhacay bishii May 1991, xuduudeeheeduna yahay kuwii laga dhaxlay Iticmaarka

2.                 Somaliland waxay ku caan baxday nabbada, xassiloonida iyo wada tashiga iyo isu tanaasul muddadii 20 sanno aheyd ee ay gooni isu taageeda lasoo noqotay.

3.                 waxaanu ummadda Somaliland iyo beesha caalamkaba u sheegayna in shaqaaqada halkaasi ka taagan ee la doonayo in lagu wiiqo midnimada, wadajirka iyo gooni isu taaga Somaliland ay ka dambeeyaan soona maleegeen ururo nabadiid ah, Somaliland diid ah, salkana ku haya oo xidhiidh toosa la leh argagixisada caalamiga.

4.                 waxaanu caddeynaynaa in shacabiweynaha Somaliland ee deegaankasi aanay wax lug ah ku laheyn shaqaaqadaasi, una baahan yihiin in laga dhex saaro dadka fadqalada kula dhexjira, una baahan yihiin  in si wadajir ah looga dhexsaaro kooxahaasi dabada ku haya aragagixisada.

5.                 seddexda Xisbi Qaran waxay taageero buuxda ku siinayaan mawqifka xukuumada ee difaaca Qaranka iyo sugiddda xuduudheeda.

6.                 seddexda Xisbi Qaran waxay cambaareynayaan weerarka qaawan ee lagu soo qaaday ciidamada Qaranka Somaliland

7.                 waxaa kaloo seddexda Xisbi Qaran cambaareynayaan faragelinta qaawan ee maamulka Garowe ku hayo nabbada iyo xasiloonida Somaliland iyagoo taageero  siinaya kooxaha argagixisada iyo nabad diidka ee ka hawlgala deegaandaas.

8.                 Somaliand waxay kasoo horjeedaa cid kasta oo fadqalalo ka abuuraysa gayiga Somaliland iyo Geeskaba, waxayna soo dhoweynaysaa cid kasta oo taageero ka geysanaysa nabad ku-wada noolaanshaha iyo hormarka mandaqada.

 

 

9.                 seddexda Xisbi Qaran waxay ugu baaqayaan shacabweynaha Somaliland inay ilaashadaan wadajirkooda, midnimadooda iyo difaaca qarankooda, waajibna ku tahay u hurida naf iyo maalba.

 
 

 

Allah Mahad Leh

 

Axmad Yuusuf Yaasiin Aadan Mire Waqaf      C/xmaan C/kadir

K/S Gud. Udub              Gud/Xig. UCID             K/S Gud. Kulmiye

 



 

(Hadhwanaagnews) 

 

 

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: