Somaliland247's Blog

January 24, 2011

London: Xaflad loo Sameeyey ku Dhawaaqista Rugta Kutubta Qaranka ee Somaliland

Filed under: NEWS — somaliland247 @ 11:07 pm
Tags: , , , , , ,

Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

London: Xaflad loo Sameeyey ku Dhawaaqista Rugta Kutubta Qaranka ee Somaliland

London (Jam)- Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey ku dhawaaqista Rugta Kutubta Qaranka Somaliland (Somaliland National Library), ayaa habeennimadii Jimcaha la soo dhaafay lagu qabtay galbeedka magaalada London ee carriga Ingiriiska.

Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ka qaybgaleen aqoonyahanno, abwaano, culimaa’udiin, haween iyo dadweyne kale oo tiro badan oo reer Somaliland ah, waxa ugu horreyn ereyo kooban oo soo dhawayn ah ka jeediyay Maxamed Cumar Maygaag oo ka xog-warramay qiimaha iyo faa’iidada ku jirta abuurista maktabad qaran oo Somaliland yeelato.

Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar oo xafladdaas ka hadlay, ayaa si cilmiyaysan uga warramay muhiimadda aqoontu u leedahay bani’aadamka iyo tixgalinta ay diinta islaamku siisay waxbarashada oo siduu sheegay laga dareemi karayo kitaamka Qur’aanka Kariimka ah.

Sheekh Dalmar waxa uu ku dheeraaday doorkii musliiimtu ka soo qaateen horumarinta tacliinta, keydinteeda iyo weliba dhiirrigelinta qoritaanka iyo maktabadaha, taas oo buu yidhi ah mid maanta dunida laga dareemi karo raadkoodii, gaar ahaan dhinaca culuunta iyo waxbarashada.

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa ugu horreyn warbixin kooban ka bixiyey xaaladda waqtigan ee dalka Somaliland iyo siday lama huraan u tahay in gudo iyo dibadba la wada ogaado baahida maktabadda cusub, taasoo siduu sheegay dib ugu noqonaysa imaatinkii gumeysiga ee dalka oo sababtay in dadka hankooda la dilo oo hunguri badan geliyo.

Abwaan Hadraawi waxa uu ugu baaqay dadka reer Somaliland inay taageeraan oo gacan ka geystaan hirgalinta mashruuca rugta kutubta qaranka, taas oo wax weyn ka tari doonta horumarinta waxbarashada dalka.

SAMOTALIS ee hormoodka ka ah hirgelinta mashruuca abuurista rugta kutubta qaranka, ayaa sheegay in maktabaddan cusub ku kici doonto lacag lagu qiyaasay $665.00 kun oo dollar, kharashkaas oo uu xusay inay rajaynayaan in 65% ka mid ah ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, halka inta kale ka filayaan in qurba-joogga, dawladda iyo ganacsatada Somaliland ku tabarucaan.

muxaadaro ka soo jeediyay Sh. Siciid Maxamed Faarax oo xusey kheyrka badan ee ku jira hirgelinta mashruuca maktabadda qaranka, waxaannu ku dheeraaday sidii asaxaabtii Rasuulku (SCW) ugu tartami jireen wax bixinta; ilaa in badan oo ka mid ah wada bixiyeen wixii ay heysteen oo dhanba.

Sheekh Siciid waxa uu ka qaybgalayaasha xafladda ku boorriyey inay aakhiradooda wax ula baxaan oo intaan mowdku haleelin sadaqo badan sii hormarsadaan.

Source:Jamhuuriya Online

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: