Somaliland247's Blog

January 17, 2011

Xukuumada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Lacagihii Laga Qaadi Jiray Ardeyda Dugsiyada Hoose/Dhexe Dawliga Ay Joojisay.


Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

VIDEO: Somaliland Education Minister London UK Visit 16 Jan 2011

 

Xukuumada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Lacagihii Laga Qaadi Jiray Ardeyda Dugsiyada Hoose/Dhexe Dawliga Ay Joojisay.

Hargeysa(HWN):-Xukuummada Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay ka deysay lacagtii laga qaadi jiray ardeyda dhigata Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Xukuumada laga bilaabo bisha February ee sanadkan 2011.

Sidaa waxa bayaamiyey Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo maanta Shirjaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

“Waxaanu idin ogaysiinayna in aanu joojinay ardeydii laga qaadi jiray lacagaha ee dhigan jiray Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Xukuummada, taas oo dhibaato ku ahayd qoysas tiro badan. Maanta oo danyartii looga tagay Iskuuladii dawlada”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Mar uu Wasiirka maaliyada Somaliland oo ka hadlayey sababta keentay in lacagta laga qaado ardeyda Dugsiyada laga daayo wakhtigan waxa uu yidhi“1500 oo macalin ayaa qaadan jiray Gunada laga qaado ardeyda, taas oo keentay in la eryi-waayo ardeygii akhlaaqda xumaa oo la eegto laccagta laga qaadayo, iyo in Glass-yadu buuxsamaan, waxyaabahaas oo dhami waxay hoos u dhigeen tayadii waxbarasho ee Dugsiyada Xukuumamda, taas oo keentay in qofkii lacag heystay ardeydiisa geysto meel kale”

 Talaabadan ayaa ah mid horumar ah oo ay xukuummada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ku talaabsatay mudadii lixda bilood ahayd ee ay xilka haysay, Sidoo kale waxa iyaduna talaabo lagu diirsaday ah talaabada ay xukuummadu lacagta ugu kordhisay Ciidamada iyo shaqaalaha dawlada.

 Source: (Hadhwanaagnews)

Mustafe-Janaale

Hargeysa/Somaliland

Email:janaale94@gmail.com

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: