Somaliland247's Blog

January 10, 2011

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka Socda Dalka Sucuudiga


Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka Socda Dalka Sucuudiga

JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND

 
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 
Date: 08/01/2011
War-Saxaafadeed

 

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka Socda Dalka Sucuudiga Weftigan oo ka Kooban 5 Xubnood Dalkana soo Gaadhay Shalay (Jimcihii) waxa ay Saaka Madaxweynaha kulan Saacadoo qaatay kula yeesheen Qasriga Madaxtooyada.

Weftiga oo ujeedda Socdaalkoodu yahay in ay Dalka Maal- gashi ku sameeyaan oo ay Dawlada Somaliland Xidhiidh Ganacsi la yeeshan Gaar ahaan Dhinacyada Shiidaalka.

Dalkana ay Gacan ka Gaystaan Wax soo Saarkiisa Madaama oo bay yidhaahdeen Dalkani uu ku Talaabsaday Talaabo Wax ku Ool ah oo u baahan in laga Taageero Dhinacyada Wax-soo saarka si ay uga mid noqdaan Wadamada aadka u Danaynaya inay Somaliland la yeeshan Xidhidh noocan oo kale ah.

Madaxweynuhu wuxuu Weftigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka gaar ahaan Dhinaca Ganacsiga waxaanu kusoo dhaweeyey Weftiga Fikradooda ah inay Somaliland La yeeshaan Xidhidh Ganacsi taas oo uu madaxweynuhu u balan qaaday inay Gacmo Furan ku soo dhawaynayaan Waxna la qabanayaan Cidkasta oo Dalkan Maal-gashi iyo wax soo saarba ka damacsan gaar ahaan Dhanka Ganacsiga.
Gebagebadii Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Ganacsi ee Dalku maraayo taasi oo uu u sheegay inay tahay mid ay Reer Somaliland iyagu ay is gaadhsiyeen heerkaa ay Maanta taagan yihiin waxaana Tusaale idinku Filan ayuu yidhi madaxweynuhu in ay Maanta Caalamku Danaynayaan Xidhidh ay Dalka la Yeeshan.

ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: