Somaliland247's Blog

November 6, 2010

War-saxaafadeed Lagu Axadhay Waftigii Somaliland Iyo Qaabilaaddii Jabuuti Oo Uu Soo Saaray Afhayeenka Madaxweyne Siilaanyo

Filed under: NEWS — somaliland247 @ 12:33 am
Tags: , , , , ,

Like This!

FaceTweet it!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

War-saxaafadeed Lagu Axadhay Waftigii Somaliland Iyo Qaabilaaddii Jabuuti Oo Uu Soo Saaray Afhayeenka Madaxweyne Siilaanyo

 

JAMHUURIYADDA  SOMALILAND

 Republic of SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL

 

 Date: 05/11/2010

War-Saxaafadeed 

Weftiga uu Hogaaminaayo Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee ku sugan Dalka Jabuuti ay Madaxweyne Geelle  iyo Jamhuuriyada Jabuuti  waxa ay Qaabilaada ay kala kulmeen Jabuuti  Noqonaysaa tii ugu Meqaanka saraysay ee ay Somaliland kala Kulanto  Jabuuti iyo Caalamka kaleba.

Geesta kalena  Waxa ay Booqashadan uu Meqankeeda iyo soo Dhawaynta qiimaha lihi ee ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu kala Kulmeen Jabuuti noqonaysaa mid shacabka Somaliland u xaqiijisa xigto-nimada adag ee ka dhaxaysa labada Waddan iyo labada Shac-biba.

Ka sakowna kulanki rasmiga ahaa ee ay yeeshaan labada madaxweyne ee Jamhuuriyada Jabuuti iyo Jamhuuriyada Somaliland Mudane. Ismaaciil Cumar  Geelle iyo Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxa iyaguna garab-socday kulamo ay gooni gooni u yeesheen isu-Dhiganka

 1.        Wasiirka  Arrimaha Debeda                 Jabuuti

2.      Wasiirka Ganacsiga                                       Jabuuti

3.      Wasiirka Maaliyada                                       Jabtuuti

4.       Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosaha     jabuuti iyo

5.      Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee                    Jabuuti

6.     Wasiirka Arrimaha Debeda                            Somaliland

7.      Wasiirka Ganacsiga                                                Somaliland

8.     Wasiirka Dhalin-yarada iyo Cayaaraha                     Somalilnd  iyo

9.      Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee                             Somaliland

 Kulamadaa Farsamo oo iyagana laga gaadhay is af-garad iyo natiijo wanaagsan.

Maanta oo ay ahayd Maalintii Saddexaad ee Booqashada weftiga uu madaxweyne siilaanyo ku joogo Jamhuuriyada Jabuuti oo ay intaasna Si xidhiidha u socdaan kulamo kala duwan oo ay labada Dhinac ka leeyihiin sii xoojinta  Xidhidhka iyo is garabsiga labada waddan.

Waxa kale oo Madaxweyne siilaanyo iyo Weftigiisa, Madaxweynaha oo ay hogaaminayeen Wasiirka Warfaafinta iyo  Boosaha iyo isgaadhsiinta ahna Afhayeenka Xukuumada Jamhuuriayda Jabuuti  iyo Madax kale oo ka tirsan Jamhuuriyada Jabuuti  Waxa ay gaadheen Xarunta Shirkada is gaadhsiinta ee Telcom Jabuut.

Waxa kale oo la  soo marriyey Qaarka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee Dhinacyada Dhaqaalaha isla markaana ay Jamhuuriyada Jabuuti horu-marka ay ka samaysay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Xarumaha Isgaadhsiinta, xadhkaha Cable-lada ee Bada hoostooda mara  iyo Dekedda  Jamhuuriyada Jabuuti. 

 ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a comment