Somaliland247's Blog

June 11, 2010

June 10th Press release : Xisbiga UCID Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Ololihii Berito Ay Ku Bedeleen Cibaado Iyo Alle Bari

Filed under: NEWS,SOMALILAND ELECTION — somaliland247 @ 12:04 pm

Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Hargeysa :- Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga UCID Saleebaan  Daahir, ayaa daboolka ka qaaday in xisbiga UCID go’aan ku gaadhay in ololihii doorashada ee berrito uu hakinayo, isla markaana waxa uu sheegay inay sidaas u sameeyeen iyaga oo tix-gelinaya maalinta khayrka badan ee Jimcaha.

Gudoomiyuhu waxa uu sidan ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, halkaas oo uu faahfaahin kaga bixiyey sababaha kala gedisan ee ay go’aankaas u qaateen.   Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaan halkan idiinka  sheegayaa in maalinta berrito ah uu ku buuxo maalintii saddexaad ee xisbiga UCID. Maadaama oo uu ku soo beegmay maalin jicme ah oo muhiim u ah diinta Islaamka iyo dad-kaba, taasi waxa ay keentay in xisbigu go’aan ku gaadhay  inaanu yareeyo sawaxanka iyo qaylada, si ay dadku jaanis ugu helaan inay ilahay u cibaadaystaan, oo ay weliba ducada ku daraan sidii ilaahay inooga kaxayn lahaa nidaamkan dawladeed ee waddanka baabiiyay. Sidaas awgeed ayaanu go’aaminay inaanu joojino bannaan-bixii berrito la samayn lahaa.”   Waxa uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Labadii maalmood ee hore si wanaagsan ayuu bannaan-bixii ololaha doorashadu noogu dhacay. Waxa maanta aan shaki ku jirin in xisbiga UCID xagga hore kaga jiro olaha doorashada, waxaa libintaas suurta-geliyey taageerashaa xisbiga UCID, meel kasta oo ay Gobolada dalka ka joogaan-na waxa aan u soo jeedinayaa mahad-celin ballaadhan oo la xidhiidha diyaargarawgii xoogaana iyo isu-soo-baxyadii wax-ku-oolka ahaa ee ay ku muujinayeen taageerada wax-ku-oolka ah ee ay u hayaan xisbiga UCID.”   Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga ee xisbiga UCID waxa uu hadalkiisa ku soo af-meeray “Meel kasta oo aynu joogno, berrito waxa aynu isku ognay inay ilaahay u cibaadaysano oo aynu ilaahay barino. Taas oo suurtagal nala noqon wayday inaynu khayriyada isugu soo baxno, halkaas uu inagaga lumo waajibaadkii ilaahay. Waxa kale oo muhiim nala noqotay  Sidaas darteed, si fiican oo habsi ah isaga cibaadaysta oo isaga nasta.”  

Source:UCID Media

Hargeysa/ Somaliland

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: