Somaliland247's Blog

June 10, 2010

Masuulkii U Sareeyay Maamulka Xisbiga UDUB ee Degmada Boorame Oo Axmed Siilaanyo Hortiisa Isku Casilay Kuna Biiray KULMIYE

Filed under: NEWS,SOMALILAND ELECTION — somaliland247 @ 4:36 pm

Like This!

Add to FacebookAdd to DiggAdd to Del.icio.usAdd to StumbleuponAdd to RedditAdd to BlinklistAdd to TwitterAdd to TechnoratiAdd to Yahoo BuzzAdd to Newsvine

Add to Google Buzz

Hargeysa (HWN)- Guddoomiyihii xisbiga UDUB ee degmada Boorame Maxamed Aadan Suldaan, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baxay xisbiga UDUB isla markaana uu ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Guddoomiyihii degmada Boorame ee xisbiga UDUB wuxuu sidaasi ka sheegay maanta isu soo baxii taageereyaasha xisbiga KULMIYE ee Boorame ay iskugu yimaadeen fagaaraha Khayriyada, waxaanu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay inaan idiin sheego inaan iska casilay xilkii Guddoomiyaha degmada Boorame ee xisbiga UDUB, Isla markaana aan ka baxay xisbigaasi oo isku dhex daadsan oo aan nidaam lahayn, waxaan madaxtinimadii aan UDUB ka hayay kaga kalsoon nahay inaan noqdo taageere caadi ah oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.”

“Shalay waxaan anigoo masuul ah oo ka tirsan xisbiga UDUB aan ka hadlayay fagaarahan khayriyada maantana waxaan ku faraxsan nahay inaan shaaciyo inaan ka baxay xisbigii UDUB oo aan hore uga tirsanaa,”ayuu yidhi Guddoomiyihii degmada Boorame ee Xisbiga UDUB.

Maxamed Aadan Suldaan,  markii hadalkaasi ka jeediyay fagaaraha Khayriyada ee Boorame waxa loo  garaacay sacad aad u badan waxaana goobtaasi ku sugnaa kumanaan ka mid ah taageereyaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal iyadoo ay  goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xisbigaasi Md. C/Ramxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

dhinaca kale, waxa hore xilalkii ay hayeen iska casilay oo ku biiray xisbiga KULMIYE Guddoomiyeyaashii degmooyinka Baligubadle, Faro-weyne iyo Allay-baday, kuwaasi oo dhammaantood sheegay inay is casileen markii xisbigii ay ka tirsanaayeen ee UDUB uu waxba u qaban waayay bulshadii ay madaxda u yihiin. waxaanay dhamaantood sheegeen inay ku biireen xisbiga KULMIYE.

Source :

http://hadhwanaagnews.com/

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: