Somaliland247's Blog

March 13, 2010

Jaamacadda Burco oo Markii ugu Horeysay Ay Ka Qalinjabisay 93 Arday

Filed under: NEWS — somaliland247 @ 2:44 am

 

 

 

 

 

 

12/03/2010 Burco – Xaflad ay ku wada kulmeen Waalidiin,Aqooyahano,Salaadiin,Madaxdda Sadaxdda Xisbi Qaran iyo Maamulka heer Degmo iyo heer Gobol ee Magaaladda Burco ayaa maanta 93 Ardey lagu gudoonsiiyay Shahaadooyin ku waasoo ahaa kuwii ugu horeyay ee ka Qalinjabisa Jaamacadda Burco ee Gobolka Togdheer isuguna jira Hablo iyo Inamo Waxaa Xafladaa Qalinjabinta ah ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Burco C/raxmaan Jaamac Ducaale, wuxuuna ku bilaabay sidan waxaa mahada iska leh Illaahay farxad weyn ii ah Aqoonyahanka Cusub ee maanta ku soo biiray Soomaaliland ama Soomaaliya Amase Caalamka islaamka ku soo qordhay, Tirada guud ee Ardayda ka Qalinjabisayna waa 93 Arday ayna u badan yihiin Haween waxaa maanta ay tahay maalin aad iyo aad u weyn oo Gobolka Togdheer ama Soomaaliland ku soo kordheen dad Aqoonleh ayaan runtii ku faraxsanahay inaad nala qayb qaadataan farxadan iyada ah oo aanu doonayno inay Caalamku arkaan ayuu yidhi Professor ka. Gudoomiyaha Gudiga Jaamacadda Maxamuud Aadan Dhari,ayaa isna halkaa kahadlay kuna bilaabay sidan farxad wanaagsan bay inoo tahay hadaanu nahay reer Burco maanta qalinjabintii aad nala soo qaybgasheen Sharafwayn bay inoo tahay anagu hadaan Reer Burco nahay Sharaf wayn bay inoo tahay. Hadaba bal hada in yar dhagta jalaq ii siiya sawaxankana daaya 1928 kii een tolow saaxiibkeyga Siilaanyo mafadhiyaa isagaa isku Da ahayn yaan Maxamuud Axmed Cali Illaahay ha u naxariistee isaga iyo Waalidiinteenba iyo Umadda Nabimuxamed uu Nin Ingisiisi keenay Burco Tacliintuu doonayay in Burco laga bilaabo waa la shiiday oo waxa layidhi waa nalagaalaynayaa intaaseey soo dhaaftay intaasaa kadanbaysay maantana waa 2010 kii Alaahu Akbar Burcooy ma’maalintaasaa Qaldanaydeen mise maantaa Qaldantihiin ayuu yidhi. Maxamuud Axmed Xasan,Gudoomiyaha Degmadda Burco ayaa isna halkaa ka jeediyay qudbad kooban een Mudane iyo Marwooyinba waad salaaman tihiin halkan waxaa saaka noo farxad ah Digriigii ugu horeeyay ee laga qaadanayay Jaamacadda Burco waxaana farxad labaad ii ah 7 ba Arday oo kuwa maanta ka qalinjabinaya oo ah Shaqaalihii Dowladda Hoose ee Burco taasina farxadgaara bay aniga ii tahay shaqsiyan laakiin shardi waxaa la doonayaa sida reer camuud 3 daxda inane e la diraya Jaamacadoodu iyagu Macalin dib uga noqda anaguna 3 sadax inan waanu kaxaynaynaa Madaxweynahana waanu u gaynaynaa waana la dhaarinayaa heshiisna waanu lagalaynaa sida camuud markay soo noqdaan tan Macalin ka noqda umadoodu u faa ideeyaan ayaanu doonaynaa ayuu yidhi. Gudoomiyaha ama Professor ka Jaamacadda Camuud,Saleebaan Axmed Guuleed, ahna Madaxa Jamacadaha Soomaaliland isna wuxuu ku bilaabay sidan awalan wa’aaqiiran Illaahay baa mahadleh een waxaan Hanbalyo iyo Bogaadin uga sidaa Jaamacaddaha Soomaaliland inta halkan joogta iyo inta aanjooginba iyo Fariin la’isoofaray oo leh Sadaxda Golle ee Gobolka,iyo Jaamacadda Camuud anagoo idiinku hanbalyaynena dhacdadan muhiimka ah ee maanta Burco ugu dabaaldagayno runtii Xaflado waa laqabtaa laakiin Beer kuu go’day Beertii kuusoo go’day tanaa ugu qayrbadan markii Jaamacadani la’aasaasayay ee Camuud inoogu yimaadeen waxaanu nidhi taageerada koowaad baa iyadu siinaynaa sababtoo ah waxaanu u arkaynay in ay ahayd Albaabkii Bariga Burco waa halka igu muhiimsan Ganacsigga,xaga Xoolaha waa meel runtii noqonkarta hab Aqoonyahan oo lagu barbaarinkaro in ay tahay runtii iyadaana isku xidha Bari iyo Galbeed oo dhan Jaamacaduhu inagaa leh markaa waa inaynu joogteyno Jaamacadahaani iyo Jaamacadihiikaleba Gobolka ay joogaan guud ahaan Dalka ayna hogaamiyaan Aqoonta iyo horumarka Dalka anagu Siyaasad shaqo kuma lihin 42 ayaa shaqaynayay waligay siyaasad kuma hadal dareekii siyaasadeed waxaan ku cabiraa Doorashada cidaan siinayo laakiin inaga howlkabadan ayaa inoo taala runtii cidii ku shaqada leh ha ka doodo howlaha Qaranka,isla markaa asagoo hadakiisa sii wata ayuu dhalinyaradii Jaamacadda ka qalinjabisay dardaaran u soo jeediyay professor ka. Waxaa kaloo oo ay Ardaydii ka Qalinjabisay Jamacadda Burco sidaa si lamida iyaguna shahaadooyin iyo Abaalmarino isugu jira gudoonsiiyay Macalimiintoodii iyaga waxbartay. Ugu danbeyntii Xafladaa 93 ka Arday ka qalinjabisay ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin tirabadan oo kala ah Madaxdda Gobolka iyo Madaxdda Sadaxdda Xisbi Qaran iyo Xubna ka socday Shirkadaha sida gaarka loo leeyahay sida Shirkadda Dahabshiil oo iyada qayb weyn ka qaadatay munaasibadaa qaaliga ah.

 

 

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: