Somaliland247's Blog

March 5, 2010

Roobab khasaare geystay oo ka da’ay deegaamo ka tirsan Gobolka Gabiley

Filed under: NEWS — somaliland247 @ 8:48 pm

 

 

5 Cars swept away by flood waters

Hargeysa (Somaliland.Org)- Roobab xooggan oo shalay galab ilaa xalay fiidkii ka da’ay magaalo xuduudeedda Tog-Wajaale, ayaa keenay khasaare ilaa hadda inta la hubo u badan mood, isla markaana qaaday Gaadiid tiradoodu gaadhayso 5 Baabuur.

 

Siday sheegayaan Wararka naga soo gaadhay magaalada Tog-Wajaale ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, roob xooggan oo shalay abbaaro 5:00 galabnimo ka bilaabmay magaaladaas, isla markaana qaaday ilaa 6:30 fiidnimo ee xalay, ayaa keenay khasaare kala duwan. Daadadkan ayaa galay guud ahaan dhismayaasha iyo Meheradaha ka ag-dhaw Togga wayn ee kala qaybiyay Wajaale, ka dib markii uu Toggaasi fatahay. Waxaanu galay Xafiisyada laanta Socdaalka ee Degmadaas, halkaas oo ay ku qoyeen sida la sheegay qaar ka mid ah Qalabkii Xafiisku. “Xafiisyadii oo dhan wuu galay Daadku, waxaanay Biyuhu qofka u gaadhayeen Jilbaha, halkaasna waxa ku qoyay Buugaagtii iyo qalabkii kale ee Xafiiska.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah goob-joogayaashii goobta ku sugnaa marka ay Biyuhu galeen Xafiiska.

Dhinaca kale, Daadadkan oo galay qaar ka mid ah Guryaha ka ag-dhaw Togga, ayaa sidoo kale qaaday oo galay qaar ka mid ah Bakhaarrada magaaladaas. Halkaas oo uu geystay khasaare, isla markaana qooyay Raashinkii dhex yaalay qaarkood. “Hadda Caruurihii Guryihii way dhex taag-taagan yihiin oo Daadadkii way qaadeen wixii dadka u dhex yaalay Guryaha.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka ku dhaqan Wajaale.

Geesta kale, inta la ogyahay ilaa shan Baabuur ayay qaadeen Daadadka xalay ku soo rogmaday Degmada Tog-Wajaale, kuwaas oo badankoodu yaalay Xafiiska Kastamka ama Laanta socdaalka agtiisa, halka kuwo kalena lagu xidhay Xadhko adag, si aanu Daadku ula tagin. “Gaadhi aan leeyahay oo Grande ah ayuu qaaday Daadku, inkasta oo aanan la joogin marka uu Daadku qaaday Gaadhigayga, haddana markii dambe ee aan gaadhay Togga waxaan arkay isaga oo dhex yaala meel Togga dhexdiisa ah.” Sidaa waxa isna yidhi Maxamed Cabdilaahi Qonbor oo ka mid ah dadka Gaadiidkooda uu qaaday Daadku oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal xalay. “Laba Xaajiyadood oo kuwii Istaanka yaalay ahaa ayuu qaaday Daadku, labada Nin ee kala lahaana waxa magacyadooda la kala yidhaahdaa Ibraahmi Aadan iyo Maxamed Ahmed Xaaji. Meel togga dhexdiisa ah ayay yaalaan, balse cidi uma dhawaan karto oo Daadku wuu socdaa oo si xooggan ayuu u socdaa (xalay). Laba gaadhi oo kale ayaa iyana xidhan midna Grande yahay midka kalena Surf, si aanu u qaadin Daadku.” Waxa isna sidaa Ogaal xalay Khadka Telefoonka ugu sheegay Maxamuud Aleel oo ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Wajaale.

Sidoo kale, Wararka ka imanaya Degmadaasi waxay sheegayaan in ilaa 5,000 oo neef oo Adhi ahi ku naf-waayeen Deegaannada Gobolka Gabiley oo ilaa shalay Roobku ka da’ayay.

Somaliland.Org

Leave a Comment »

No comments yet.

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a comment